Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo safar ka joojiyey Nancy Pelosi


Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiiistii ka joojiyay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi safar ay ku aadi laheyd dalalka Afghanistan iyo Belgium-ka.

Tallaabadaas ayaa loo arkay mid sii hurineysa dagaalka siyaasadeed ee ku qotoma xirnaanshaha dowladda ee u dhaxeeya Aqalka Cad iyo Aqalka Wakiilada.

Warqad uu Trump u diray afhayeenka Aqalka Wakiilada ayuu ugu diiday Pelosi iyo xubno ka tirsan congress-ka in ay adeegsadaan diyaarad uu leeyahay milatariga oo ay u qaadan lahaayeen magaalada Brussels.

Qoraalkaas uu Trump u direy Pelosi ayuu ku yiri “iyadoo ay 800,000 oo qof oo shaqaale dowladeed ah aysan heleynin mushaaraadkooda, waxaan hubaa inaad igu raaci doontid inaad dib u dhigto kulankan xiriirka bulsho ah inaad baajisana waa arrin haboon.”

Nancy Peolosi ayaa caasimadda Belgium kula kulmi laheyd xubno ka tirsan isbaheysiga NATO halka ay Afghanistan ay isku arki lajaayeen ciidanka Mareykanka ee halkaasi jooga.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa hal maalin kaddib markii ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ugu baaqday madaxweynaha inuu hakiyo khudbadda sannadlaha aheyd ee madaxweynayaasha Mareykanka u jeediyaan qaranka.

XS
SM
MD
LG