Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo cambaareysay weerarka Nairobi


Daahir Geelle

Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarka kooxda Al-Shabaab ay sheegatay ee lagu qaaday hotel-ka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.” Ayaa lagu yiri qoraalkan.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa waxa uu khadka telefoonka ee dalka Masar ku waraystay wasiirka warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:14 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG