Dalka Sudan ayaa waxaa wali ka socda banaanbaxyada ay dadku kaga cabanayaan qiimo kororka ku yimid Rootiga iyo Shidaalka ee dalkaasi.
Banaanbaxyada ayaa inkasotoo ay hadda yara qaboobeen, ayaa wali magaalooyinka qaar ay dadku ka sii wadaan cabashadooda ku aaddan in dowladda ay wax ka qabato sicir bararka taagan, iyagoo sidoo kalena ku baaqaya in dowladda ay xilka ka dagto.
Haddaba wararkii ugu dambeeyay ee banaanbaxyadaasi ayaa Caasho Ibrahim ay ka wareysatay C/fataax Muqtaar (C/fataax Siyaasi) oo ah arday daggan magaalada Khartum ee dalka Sudan.