Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Levante oo Garaacday Barcelona


Levante

Kooxda Barcelona ayaa guuldarro lama filaan ah kala kulantay kooxda Levante lugta koowaad ee wareega 16-ka tartanka Copa Del Rey, kaddib marki looga badiyay 2-1.

Ciyaartooyda kala ah Erick Cabaco iyo Borja Mayoral ayaa u kala dhaliyay Levante labada gool ee ay uga badisay Barca. Goolka kaliyah ee Barcelona waxaa saxiixay laacibka reer Brazil Philippe Coutinho oo rigoore ku dhaliyay.

Guuldarradan ayaa imaneysa saddex todobaad kaddib marki ay Barcelona 5-0 ku xaaqday kooxda xalay ka badisay ee Levante. 3 ka mid ah waxaa xiligaasi dhaliyay Lionel Messi.

Lugta labaad ee labadan koox ayaa Khamiista ka dhici doona garoonka kooxda Barcelona ee Nou Camp.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG