Isku xirrada

War Deg-Deg ah

PSG oo ka hartay tartanka French Cup


Paris St Germain
Paris St Germain

Kooxda Paris St Germain ayaa xalay si lama filaan ah uga hartay tartanka French League Cup, kadib marki ay 2-1 ku khasaartay kooxda Guingamp.

Guingamp waxay PSG ku garaacday laba rigoore oo loo dhigay qeybihi danbe ee ciyaarta, waxana hadda ay xaqiijisay in ay u gudubtay wareega semi-finalka Koobka French Cup.

Guuldarradan ayaa ah tii ugu horreysay oo PSG kasoo gaarta tartannada maxalliga ah ee Faransiiska, kaddib marki ay isku xiriirisay 44 jeer oo isku xiga oo aanan marnaba laga badin.

Inkasta oo ay ka hareen tartankaan, waxay dhibco badan ku hogaamineysaa PSG horyaalka Leage One-ka oo ay Sabtida kulan ka mid ah la ciyaari doonto kooda Amiens.

Ciyaarihi kale ee Arbacadi dhacay ee koobka French Cup. Kooxda Monaco ayaa u gudubtay wareega smei-finalka kaddib marki ay rigoorayaal 8-7 uga badisay kooxda Renne.

Sidoo kale waxaa wareega semi-finalka u gudbay Girondins de Bordeaux, oo 1-0 k dubatay Le Havre 1-0 iyo Strasbourg oo 2-1 ku martay Olympique Lyonnais.

XS
SM
MD
LG