Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mohamed Salah oo noqday laacibka Africa


 Mohamed Salah
Mohamed Salah

Weeraryahanka kubadda cagta xulka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa xalay loo doortay laacibka sanadka ee qaaradda Africa markiisii labaad oo xiriir ah.

Munaasabad ka dhacday magaalada Dakar ee caasimadda dalka Senegal ayaa Salah lagu gudoon siiyay abaalmarinta uu sannadkiiba mar bixiyo xiriirka kubadda cagta Africa ee loo soo gaabiyo CAF.

Mohamed Salah ayaa ka badiyay ciyaaryahannada kala ah Sadio Mane oo u dhashay dalka Senegal isla markaana ay ka wada tirsanyihiin kooxda Liverpool iyo weeraryahanka kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang.

Hadal uu ka jeediyay munaasabaddi lagu guddoon siiyay jaa’izadda xiddiga sannadka ee Africa ayaa wuxuu Mohamed Salah ku sheegay in abaalmarintani ay aad ugu weyntahay, sababo uu ku sheegay inuu ku riyoo jiray marki uu yaraa.

Wuxu intaasi ku daray inuu abaalmarinta sannadkaan uu u hibeeyay dalkiisa Masar.
Salah ayaa ka caawiyay kooxda Liverpool sannadki na dhaafay ee 2018 gaaritaanka finalka koobka horyaalada Yurub oo ay ka galeen kaalinta labaad.

Hadda kooxdiisa Liverpool iyada ayaa hogaamineysa horyaalka Premier League Ingiriiska, isaga oo dhaliyay 13 gool ilaa iyo iminka.

XS
SM
MD
LG