Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo raadineysa Koulibaly


Kalidou Koulibalyde

Wararka ka imanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda kubadda cagta Barcelona ee dalka Spain ay aad u daneyneyso in ay iibsato laacibka difaaca uga ciyaara Napoli Kalidou Koulibaly.

Difaacaan u dhashay dalka Senegal ayaa hadda lagu tilmaamaa mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan dunida kubadda cagta xilligaan gaar ahaan dhinaca difaaca.

Barcelona ayaa la leeyahay waxay ku dooneysaa daafacaan adduun lacageed oo gaareysa €120m (Boqol iyo labaatan milyan oo yuro). Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Talyaaniga, Napoli ayaa laga yaabaa in ay aqbasho lacagahaasi tirada badan.

Real Madrid ayaa sidoo kale la sheegay in ay aad u xiiseyneyso laacibkaan ku dhashay dalka Faransiiska, balse kasoo jeeda dalka Senegal.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG