Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Turkiga ayaa baabi'in doona Daacish


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump yaa sheegya in Turkey ay tirtiri doonto mintidiinta kooxda Daacish ee ku hara dalka Syria kadib marka milatariga Mareykanka ay kasoo baxaan dalkaas.

Qoraal uu xilli dambe oo axaddii ah soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa Trump waxa uu ku yiri “Madaxweyne Erdogan waxa uu si xooggan iigu war-geliyey inuu baabi’in doono wixii Daacish ah ee ku haray Syria…waana nin awooda inuu sameeyo, waxaa taas dheer in Turkiga deris la yihiin Syria”

“Ciidamadeena way soo guryo noqonayaan” ayuu Trump sii raaciyey.

Trump ayaa goor sii horeysay sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qorshaha ciidamada Mareykanka uga baxayaan Syria kadib wada-hadal dheer oo miro-dhal ahaa oo ay ku yeesheen taleefonka.

Trump ayaan bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan wada-hadallada uu la yeeshey Erdogan hase yeeshee waxa uu tweet gareeyey inay ka wada hadleen Daacish, ganacsiga iyo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Syria.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria.

Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish.

Go’aanka oo si lama filaan ah ay uga war-heleen saraakiisha difaaca, diblomaasiyiinta iyo sharc-dejiyayaasha Mareykanka, ayaa Trump waxa uu ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka.

XS
SM
MD
LG