Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandhigga VOA: Dastuurka Soomaaliya iyo khilaafyada siyaasadeed


Khilaafaadka dhex mara madaxda dowladda ayaa ahaa mid in mudo ahba soo noqnoqonaayey. Khilaafyadaas ayaa ahaa kuwo dowlad walba soo marey laga soo bilaabo tii Cabdiqasim ilaa dowlada hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Khilaafyadaas waxa ay keenaan in waqti badan iyo dhaqaaleba uu ku baxo sidii mid ama laba masuul loo bedeli lahaa oo ka mida dowlada.

Dad badan oo wax garad ah ayaa is weydiiya sababta ay usoo noq noqdaan qilaafyadaas waxaana ay qaar badan sabab uga dhigaan iyadoo aysan jirin dastuur kala xadeeya awoodaha mas’uuliyiinta iyo hadii khilaaf yimaado meel loola laabto.

Barnaamijkeena Bandhiga VOA waxaan todobaadkan ku eegeynaa dastuurka Soomaaliya, Caqabadaha hortaagan in la dhameystiro iyo saameynta uu ku leeyahay is qabqabsiga madaxda dalka. Falastin Axmed Iiman ayaa noo soo jeedineysa.

Bandhigga VOA: Dastuurka Soomaaliya iyo khilaafyada siyaasadeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:00 0:00

XS
SM
MD
LG