Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan dhex maray Kheyre iyo Mursal


Kheyre iyo Mursal
Kheyre iyo Mursal

Waxaa soo baxaya rajo ku aadan in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee labadii todobaad ee ugu dambeeyay ka dhex oognaa xukumadda Soomaaliya iyo baarlamanka, iyo hogaanka baarlamanka dhexdiisa.

Waxaa xalay kulmay guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya iyo Ra'iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya iyo sidii wadahadal loogu xalin lahaa.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa labada mas’uul ay isla garteen hadana warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay inuu jiro isfaham.

Dadaallada socda iyo baaqyo ku aadan sidii wada hadal loogu dhameyn lahaa khilaafka ayaa warbixintan ka soo diray wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Kulan dhex maray Kheyre iyo Mursal
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:47 0:00

XS
SM
MD
LG