Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo beeniyey inuu masaafurinayo Gulen


Fethullah Gulen
Fethullah Gulen

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyey in madaxweyne Donald Trump uu ka fakarayo in wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen uu u masaafuriyo dalka Turkiga.

“Markii madaxweyne Trump uu madaxweyne Erdogan kula kulmay shirka G-20 ee dalka Argentina ma ballan-qaadin inuu Fethullah Gulen masaafurinayo” Waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa taleefishinka CNBC u sheegay in Trump uu ku war-geliyey Erdogan in Mareykanka uu ka shaqeynayo inuu masaafuriyo Gulen iyo dad kale.

Gulen ayaa dibad joog ku ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Turkiga ayaa waxa ay ku eedeeyeen Gulen inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii.

Gulen ayaa beeniyey eedeymahaas, hase yeeshee Turkiga ayaa Mareykanka ka dalbaday inay usoo gacan geliyaan.

Mareykanka ayaa sheegay in Turkiga ay ku guul-darreysteen inay soo bandhigaan caddeymo taageeri kara eedeymaha ka dhanka ah Gulen.

XS
SM
MD
LG