Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo iyo Afwerki oo heshiisyo kala saxiixday


Farmaajo iyo Afwerki

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in kulamo wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen isaga iyo dhigiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Afwerki oo ayaa xalay ku hoyday magaalada Muqdisho oo uu shalay booqasho ku yimid ka hor inta uusan galabta ka bixin.

Sida lagu sheegay qoraalka waxay madaxdu ku heshiiyeen in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay booqashada Afawerki “mid ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika.”

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay “in Labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.”

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG