Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka Mareykanka oo diidmo u muujiyey Sacuudiga


Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah.

Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Kadib saacado dood ah, senate-ka oo ay hogaamiyaan xisbiga Jamhuuriga ayaa qaraarka koowaad ku ansixiyey cod ah 56-41. Daqiiqado kadib waxa uu qaraarkii labaad ku meel-mariyey codeyn cod ah.

Qaraarka labaad ayaa dilka weriye Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, si toos ah ugu eedeeyey inuu amray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doonayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wada-shaqeyn ee Washington iyo Riyadh.


XS
SM
MD
LG