Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Walaac kama qabo in xilka la iga qaado


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u sheegey wakaaladda wararka ee Reuters in uusan walaac ka qabin fikradaha sheegaya in kalsoonida lagala noqon doono oo xilka laga eryi doono.

Warbixin shalay lagu qorey Reuters ayuu wareysi gaar ah oo uu madaxweynuhu bixiyey, waxa uu ku yiri “Way adag tahay in xafiiska laga eryo qof aanan sameyn wax qalad ah, islamarkaana abuurey dhaqaalihii ugu xoogganaa abid ee taariikhda waddanka”

Xubnaha mucaaradka xisbiga dimoqraadiga, ayaa soo saaray arrimo walaac abuurey oo ay ka mid tahay lacago uu bixiyay qareenkii madaxweynaha Michael Cohen, kuwaas oo la siiyay haween ka hor doorashadii madaxtinnimada 2016. Lacagahaasi oo sharci darro ahaa ayay dacwad oogayaal federal ah waxay leeyihiin waxa bixintooda amray Trump.

Dimoqraadiyiinta ayaa sidoo kale ku doodaya in lacagahaasi oo sharciga ka fogaa uu sidoo kale Trump ku shaacinin ololihiisi, waxayna leeyihiin tallaabooyin noocani ah waxay abuuri karaan in madaxweynaha codka kalsoonida loo qaado, xafiiskana laga eryo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG