Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: Weerar ay Afar Qof ku Dhinteen


Booliiska Faransiiska ayaa baadi goob ugu jira nin habeenkii xalay ahaa rasaas ku furay meel u dhow suuq waxyaabaha ciidda masiixiga la xiriira lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Strasbourg. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4 qof, 11 kalena way ku dhaawacmeen.

Booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in ninkii weerarka geystay uu dhaawac soo gaaray mar ay booliiska rasaas is weydaarsadeen, ka hor intii uuna goobta ka baxsan.


Ninka weerarka geystay ayaa ku jiray liiska dad uu booliisku raadinayey oo ah kuwa xagjirka ah. Booliiska ayaa sidoo kale ninka u raadinayey si uu su’aalo uga weydiiyo dhac la geystay.

Wasirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Christophe Castaner ayaa hadda ku sugan magaalada Strasbourg si uu halkaas uga furo baaris arrinta la xiriirta. Illaa iyo hadda ma jirto urur mitid ah oo mas’uuliyadda weerarka sheegtay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG