Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jilaa iyo Saxafi Turkish ah oo wajahaya xarig


Dad ku mudaaharaadaya magaalada Istanbul
Dad ku mudaaharaadaya magaalada Istanbul

Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa amray in lasoo xiro shakhsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda kuwaas oo lala xiriirinayo in ay lug weyn ku lahaayeen bannaanbaxyo rabshado watay oo Turkiga ka dhacay sannadki 2013-ki.

Dadkaa warqadihi lagu xiri lahaay loo soo jaray ayaa waxaa ka mid ah Mehmet Ali Alabora oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan dhinaca filimada Turkiga iyo Can Dundar oo ah saxafi rug caddaa ah.

Labadani nin ayaa ka maqan dalka Turkiga. Waxay masaafiris iskood ah ku daganyihiin dibadda.

Bannaanbaxyadi Turkiga ka dhacay sannadki 2013-ki ee la magac baxay Gezi Park ayaa markoodi hore ku biloowday xadiiqad ku taalla fagaaraha Taksim ee bartamaha Istanbul oo ay dowladdu rabtay in ay burburso kuna bedesho dhismooyin casri ah.

Bannaanbaxaasi ayaa isu badalay kuwo lagu mucaaraday Madaxweyne Erdogan oo xilligaasi ahaa Ra’isulwasaaraha Turkiga.
Booliska ayaa xakameeyay dibadbaxyadaasi.

XS
SM
MD
LG