Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta oo go'aan ka gaaraya wada-hadallada Yemen


Mucaaradka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegay inay maanta go’aan ka gaari doonaan haddii dowladda dalkaas ay daacad ka tahay wada-hadallada nabadda.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku qabin inay wada-hadal la galaan dowladda, balse ay maanta go’aan ka gaarin doonaa in wada xajaoodka Stockholm uu yahay mid dhab ah iyo mid kale.

Wada-hadalladan oo ay agaasintay QM ayaa khamiistii ka furmay magaalada Rombo oo waqooyi kaga beegan Stockholm.

Ujeeddada wada-hadallada ayaa ah in lagu soo geba gebeeyo dagaalka afarta sano ka socda Yemen ee u dhaxeeya Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto iyo dowladda dalkaas oo uu taageero isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo.

Ergayga QM Martin Griffiths ayaa sheegay in horumar laga sameeyey maalinkii koowaad ee wada-hadallada, ayada oo labada dhinac ay isku raaceen inay maxaabiis is-weydaarsadaan.

XS
SM
MD
LG