Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Flynn oo si Wanaagsan ula Shaqeynaya Mueller


La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Maraykanka ee Madaxweyne D. Trump, Micheal Flyn ayaa macluumaad aad u badan siiyey dambi baaraha gaarka ee faragalinta Ruushka ee doorashada Maraykanka Robert Mueller. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in wax xabsi ah aanu gali doonin, sida lagu xusay warqadihii maxkamadda ee Talaadadii shalay, iyada oo wadashaqeyntiisa lagu sheegay mid aad weyn.

Waraaqahan maxkamadda ee uu xereeyey Robert Mueller ayaa faahfaahinaya kaalmada uu Flyn ka geystay baarista faragalinta Ruushka, isaga oo dacwad-oogashu ay la yeesheen 19 wareysi.

Warkan ayaa imamaya labo toddobaad ka hor, xiligii Flyn la xukumi lahaa iyo muddo hal sano in yar ka badan xiligii uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda FBIda, shirkii uu la yeeshay danjirihii Ruushka ee xiligaas, isaga oo D. Trump wakiil ka ah.

XS
SM
MD
LG