Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari lagu dilay weerar ka dhacay Boosaaso


Boosaaso

Hal askari ayaa ku dhintay laba kale iyo qof shacab ahna waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii weraar qarax iyo rasaas isugu jira habeenimadii xalay ay rag hubaysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan booliska Gobolka Bari, magaalada Boosaaso.

Ciidamada la weeraray ayaa hawlgal aamaanka lagu sugayey ka waday isgooyska Gaaca oo kasoo hor jeeda xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Dhaawacayada dadkii wax ku noqday weerarkaas waxaa la geeyey isbitalka wayn ee Boosaaso.

Kooxdii werarka gaysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Laamaha amaanka magaalda Boosaaso ayaan weli ka hadlin weerakaas.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa gudaha magaalada Boosaaso ka socday dilal qorshaysan oo loo gaysanayo askar, iyo dad shacab ah kuwaas oo qaarkood ay sheegteen ururada Daacish iyo Al-Shabaab.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG