Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 Askari oo ku Dhintay Shabeellaha Dhexe


10 ka tirsan askarta dowladda Somalia ayaa lagu dilay duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe, ka dib markii ay wadada u galeen kooxda Alshabab kolonyo ciidan oo marayay inta u dhaxeysa Degaanada Qalimow iyo Gololey.

Dadka deegaanka yaa VOA u sheegay in ciidanka la weeraray ay saarnaayeen labada gaari oo mini bus ah, iyagoo ka soo laabtey Magaalada Jowhar halkaas oo ay u tageen howlo tiro koob ciidan.

Weerarka ayaa isugu jiray qarax miino iyo rasaas lagu furay gawaarida ay ciidanka saarnaayeen

Majirto wax war ah oo Masuuliyiinta Hirshabelle iyo kuwa Militariga Somaliya ay ka soo saareen Weerka Maanta

Deegaanka u dhexeeya Qalimow iyo Gololey ayaa waxaa hore dhowr jeer lagu weeraray ciidamada Milatariga iyo kuwa Amisom ka tirsan sidoo kalena waxaa lagu diley qarax miino labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabelle.

XS
SM
MD
LG