Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Weerar dad lagu afduubay qaarna lagu dhaawacay


Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xalay fiidkii ay koox ku hubaysan qoryaha AK 47 weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Chakama oo ku taala count-ga Kilifi, oo 80 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Milindi.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas aan kala sooc lahayn ku furay dadkii goobta joogay, iyagoo shan qof dhaawacay.

Waxay sidoo goobta ka afduubteen Sylivia Constanca oo ah haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga islamarkaana u shaqaynaysay urur aan dowlo ahayn oo halkaasi ka hawlgala.

Dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay ayaa sida la sheegay lagu daawaynayaa hospitaalka magaalada.

Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan noo soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:24 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG