Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo dilay xubno ka tirsan qaarna xiray


Shabaab
Shabaab

Wararka idaacadda VOA Somali ay ka helayso magaalada Jilib ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay khaarajiyeen xubin ka tirsanaa ururka kuwo kalena ay qabqabteen.

Warar aanu ka helnay ilo degaanka ah ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay doonayeen inay xiraan xubno lagu tuhunsan yahay inay ururka kasoo horjeedaan.

Warar kale ayaa sheegay in xubnahaas looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inya ku weerartay masaajid ku yaalla magaalada Jilib hase yeeshee mid ka mid ah maleeshiyada ajaanibta ee la joogta Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu diiday inuu is dhiibo, bambo uu lasoo baxay kadibna ay toogteen maleeshiyada Al-Shabaab. Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri, waxaana la sheegay inuu u dhashay dalka Masar.

Wararka aanu ka helnay deegaanka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in la xiray ilaa 100 qof oo iskugu jira xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo ganacsato iyo xubno kale oo lagu tuhmay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish.

Xubnaha la xiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo. Waxaa kaloo ka mid ah mid ka mid ah weriyayaasha u shaqeeya ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ilaa shalay xubno kale ka qabqabteen Saakow, Buula Fuulaay iyo Kuunya Barrow.

Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go'een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish.

XS
SM
MD
LG