Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo xilka ka qaaday Jeff Sessions


Jeff Sessions

Madaxweynaha Maraykanka Dondld Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii guud ee Maraykanka Jeff Session.

Tallaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur, oo ah ninka baaraya xiriirka laga yaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Sessions ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday.

Hadalkaas ayaa u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Mulleur.

Haddaba xilliga ay is casilaadani ku soo beegantay, iyo sida laga yaabo in baarista Mulleur ay u saameyso ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ka hawlgala gobolka Minnesota.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG