Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Congress-ka Mareykanka


Ilhaan Cumar

Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii xilliga dhexe ee ay ka galeen gobolka Minnesota.

Guulahan ayaa waxaa ugu weyn midda Ilhaan Cumar oo ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, ayadoo noqon doonta qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee sidaas sameeya.

Dhinaca kale Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.

Keith Ellison oo beneeyey kursiga Ilhaan ay ku guuleysatay ayaa isna u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.

Haddaba wareysiyo iyo fallanqeymo la xiriira guusha Ilhaan iyo Soomaalida kale ee Mareykanka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:18:40 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG