Saddex ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay meel u dhow degmada Wanlaweyn sida ay sheegayaan warar dhinaca amniga ah. Dhinaca kale, degaanka Araare oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa waxaa shalay ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciimadamaha maamulka Jubaland iyo maleeshiyada ururka al-Shabab.
Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah taliyayaaha ciidmada Jubaland ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkaasi ay al-Shabaab kaga dileen Lix nin, laba qorina ay kaga soo furteen. Caasha Ibrhaahim ayaa khadka taleefanka kula xiriirkta Mukhtaar, waxaana ay ugu horreyn weydiisay waxa shababay dagaalkaasi.
Facebook Forum