Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Santiago Solari oo guul ku billaabay


Karim Benzema

Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa guul ku billaabay kulankiisi ugu horreeyay ee uu kooxda hogaamiyo, kaddib marki ay xalay 4-0 ku mareen kooxda Melilla ciyaar ka tirsaneyd wareega 1-aad ee tartanka Copa del Rey.

Solari ayaa keydiyay dhowr laacib oo ay ka mid yihiin Gareth Bale, Luka Modric iyo Toni Kroos laakin waxaa soo safay kabtanka kooxda Sergio Ramos iyo weeraryahan Karim Benzema.

Goolka koowaadna isaga ayaa furay, waxaa labeeyay Marco Asensio, goolasha kale waxaa kala qeybsaday weeraryahanka u dhashay dalka Brazil Vinicius, iyo iyo ciyaaryahan Odriozola oo labaduba ah laacibiin uusan fursado ay ku ciyaaraan siinin macallinki hore ee shaqada laga eryay Lopetegui.

Kooxda Melilla oo ka dhisan jaziiradda dhacda xeebaha Waqooyi ee Africa balse ay leedahay dowladda Spain ayaanan keenin wax gool ah.

Ciyaarihi kale ee tartanka Copa del Rey ee xalay dhacay, kooxda koobkan difaacaneysa ee Barcelona ayaa 1-0 ku garaacday naadiga ka dhisan horyaalka saddexaad ee Spain ee Cultural Leonesa.

Getafe waxay 2-1 uga badisay Cordoba, sidaasi si la mid ah Valladolid ayaa uga badisay kooxda Mallorca halka Girona iyo Alaves ay isku mari waayeen bar barro 2-2 ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG