Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea, Arsenal iyo Tottenham oo wada badiyay


Son Heung-Min iyo Harry Kane

Kooxda Chelsea ayaa u gudubtay wareega sideeda koox ee tartankan kaddib ay 3-2 ku garaacday naadiga Derby County oo ka mid ah kooxaha heerka labaad.

Kooxdan yar ayaa waxaa tababare u ah laacibki hore ee Chelsea Frank Lampard oo xalay marki ugu horreeysay kusoo laabtay garoonkiisi hore.

Tottenham Hotspur ayaa iyaduna ku biirtay kooxaha u gudbay wareega siddeeda kadib marki ay 3-1 xalay ku cuntay West Ham United. Arsenal waxay 2-1 ugu awood sheegay kooxda heerka saddexaad ee Blackpool.

Halka Middlesbrough oo ka ciyaarta horyaalka Serie B-da Ingiriiska ay 1-0 uga badisay kooxda Crystal Palace oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Ingiriiska.

XS
SM
MD
LG