Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha wasiirada Somalia oo ansixiyey miisaaniyadda 2019


golaha wasiirada

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda sanadda 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Sandheere.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG