Shirkii afaraad ee Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo muddo shan maalmood ah madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland uga socday Garoowe ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Shirkan ayey madaxda ka soo saareen war-murtiyeed si weyn mar kale loogu dhaliilay wax qabadka dowladda federaalka Soomaaliya.
Go’aanada shirka ayaa sidoo kale taabanayay mamaanka, dhaqaalaha doorashada 2020-ka iyo qeybsiga kheyraadka dalka.
Wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayaa war-murtiyeedkan ka wareystay Cabdullahi Sheekh Xassan, oo ah afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.
Facebook Forum