Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paris St Germain 2-2 Napoli


Angel Di Maria oo u dabaaldagaya goolkiisii uu ku bareejeeyay Mapoli

Ciyaar ka tirsaneyd Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub aadna indha loogu hayay ayaa xalay magaalada Paris ku dhexmartay kooxaha Paris St Germain iyo Napoli, waxaana ay labada koox iskula ag-dhaceen barbarro 2-2 ah.

Napoli oo uu leyliyo tababare Carlo Ancelotti oo khibarad sare u leh tartankan oo uu saddex jeer ku guuleystay ayaa u dhawaatay in ay Paris kala soo laabato guul, kaddib marki ay PSG goolka barbarraha heshay dhaamadki ciyaarta kaasoo uu si qurux badan u dhaliyay Angel Di Maria.

Napoli labada gool waxaa u kala dhaliyay Lorenzo Insigne iyo Dries Martens. Halka gool ka mid ah goolasha ay PSG ka dhaliyay uu ahaa mid uu iska dhaliyay laacibka difaaca uga ciyaara Napoli eeMario Rui.

Napoli waxay hadda leedahay shan dhibcid waxaa ku xigta PSG oo afar dhibic, waxaase Group-kan hogaaminaya Liverpool oo leh lix dhibic.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG