Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Sool


Sool

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 80 kalena way ku dhaawacmeen dagaal ilaa iyo shalay koonfurta gobolka Sool ku dhex marayay laba maleeshiyo beeleed oo iska soo horjeeda.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Dhumay oo qiyaastii 30 km dhinaca koonureed ka xiga magaalada Laas-Caannod.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo soo jiitamayay tan iyo 2004-tii oo u dhaxeeyay labadan beelood oo ilaa iyo sideed goobood oo gobolka ah wada dega.

Dagaalka ayaa ku soo beegmayaa iyadoo sagaalki bishan labada dhinac ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Laas Caanood.

Wariyaha VOA-da uga soo warrama Gobolka Cabdikarim Olol ayaa warbixinta ka soo diray magaalada Laascaanood.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:08 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG