Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo rikoor cusub u dhigay Yurub


Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa noqdey ciyaaryahankii ugu horreeyey ee 400 gool ka dhaliya horyaallada ugu waaweyn qaaradda Yurub, kadib markii kooxdiisa Juventus uu u dhaliye gool, cayaar barbar dhac ku dhamaatey oo ay kaga hor-yimaadeen kooxda Genoa, sabtidii.

Weeraryahanka Portuguese-ka ayaa goolkiisa shanaad ee horyaalka Talyaaniga u dhaliye kooxda Juventus, isagoo 84 gool oo horyaalka Ingiriiska ah uu usoo dhaliyey kooxdii uu kusoo caan baxay ee Manchester United, halka 311 gool uu horyaalka Spain uu u dhaliye Kooxda Real Madrid, taasoo marka la isku geeyo wadar ahaan ka dhigeysa 400 oo gool.

Ma jiro ciyaaryahan intaasi oo goolal ah ka dhaliyey horyaallo kala duwan oo qaaradda Yurub ah, waxaana Ronaldo uu heystaa fursad uu ku sii wadan karo rikoorkiisa gool dhalinta ee horyaallada Yurub, isagoo rajeynaya in guulo badan uu la gaaro kooxiisa Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa waayihiisa ugu wanaagsana kusoo qaatey kooxda Real Madrid isagoo kula guulesytey koob kastoo ay Real Madrid usoo tartantey, sidoo kalena noqdey gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda horyaalka La Liga ee dalka Spain oo uu ku hogaaminayo 311 gool.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG