Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga: Bin Salman wuxuu la hadlay qoyska Khashoggi


Mohammed bin Salman
Mohammed bin Salman

Saudi Arabia ayaa sheegtay in dhaxal-suge Maxamed Bin Salman uu qadka taleefonka kula hadlay wiilka suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi, si uu uga tacsiyeeyo dilka aabihiis.

Khashoggi ayaa geeriyooday kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul dalka Turkiga, labadii October.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu maalinta talaadada shaaca ka qaadi doono faahfaahinta dilka Khashoggi, marka uu hortago baarlamanka.

Isaga oo axaddii dadweyne kula hadlayey Istanbul, ayuu sheegay “waxaan raadineynaa caddeymo, waxaana shaaca ka qaadi doonnaa runta oo cad”

Erdogan ayaa axaddii khadka Taleefonka kula hadlay madaxweyne Trump, waxaana sida ay warbaahinta dowladda Turkiga sheegtay ay isku raaceen in la caddeeyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran kiiska Khashoggi.

Saudi Arabia ayaa sheegtay in Khashoggi ay dileen 15 nin oo fallaago ah, islamarkaana xubnaha sare ee boqortooyada aysan waxba ka ogeyn. 18 qof ayaa loo xiray kiiskan.

XS
SM
MD
LG