Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka walaacsan heshiiska labada Kuuriya


Mike Pompeo
Mike Pompeo

Waxaa sii kordhaya kala duwanaansho fikir oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo salka ku haya heshiis milatari oo labada Kuuriya ay qorsheynayaan.

Heshiiskan ayaa xukuumadda Washington ay ka walaacsan tahay inuu wiiqi doono awoodda ay Seoul isaga difaaci karto weerar kaga yimaada dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

Wasiirka arrimaha dibedda Kuuriyada Koonfureed, Kang Kyung-wha ayaa sheegtay in xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu muujiyey inuusan ku qanacsaneyn markii ay kala hadashay qorshe ay Seoul heshiis milatari kula galeyso Pyongyang.

Walaaca Pompeo ayaa yimid, ayada oo uu sii qaboobayo xiriirka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, iskuna sii dhowaanayaan labada Kuuriya.

Mareykanka ayaa ka walaacsan xiriirka sii wanaagsanaanaya ee labada Kuuriya, kaasi oo ku socda xawaare ka dheereeya horumarka ay Kuuriyada Waqooyi ka sameyneyso burburinta barnaamijkeeda Hubka Nukliyeerka.

XS
SM
MD
LG