Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo weriyayaal tababar ku siineysa Addis-Ababa


Tababarka VOA ee Addis-Ababa

Tababar lagu baranayo saxaafadda oo ay soo diyaarisay VOA ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Tababarkan, oo la siinayo qaar ka mid ah weriyayaasha VOA ayaa waxaa furay agaasimaha Qaybta Africa ee idaacadda VOA Negussie Mengesha.

“Waxaan warar ku baahinaa 46 luqadood oo kala duwan guud ahaan dunida, dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta waxaa toddobaadkii nagala socda 240 milyan oo dhagayste, kuwaasi oo 70 milyan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin Afrika. Waxaa kuwaasi ka mid ah dad badan oo naga dhagaysta Soomaaliya iyo Itoobiya” ayuu yiri Negussie oo furay tababarka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG