Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Weerar oo Ismiidaamin ah oo Baydhabo ka Dhacay


Waraka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen laba qarax oo ay fuliyeen rag isa soo miidaamiyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waraka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen laba qarax oo ay fuliyeen rag isa soo miidaamiyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labadan qof ee ismiidaamiyay ayaa lagu soo waramayaa inay si kala gooni gooni ah u weerareen laba maqaayad oo magaalada ku yaala.

Wararka qaar ayaa tirada dhimashada intaasi ka badaniya.

Marka sidan oo kale ay wax uga dhacaan baydhabo waxaa adag isgaarsiinta oo cariiri gasha.

Qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada amaankeeda si weyn loo adkeeyay oo ay ku sugganyihiin murashixiin iyo siyaasiyiin u diyaar garoobaya doorashada Koonfur Galbeed oo lagu wado inay qabsoonto bisha soo socota.

Weli cid sheegatay ma jirto weeraradan, oo sidoo kale ku soo aadaya xilli berito Soomaaliya laga xusayo qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14kii October ee Zobbe magaalada Muqdisho.

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha qaraxayadaa idaacadeeheena soo socda ayaad ku dhageysan doontaan.

XS
SM
MD
LG