Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan kusoo wajahan Florida


Trajectory of Hurricane Michael
Trajectory of Hurricane Michael

Dadka cimilada saadaaliya ayaa uga digay dadka ku nool gobolka koofureed ee Florida in ay u diyaargaroobaan saameyn buuxda oo ka dhalata duufaanta Michel, oo ah mid aad u qatar ah.

Roobab ka hor da’aya duufaantan, ayaa harqinaya Waqooyiga Florida aroortii hore ee saaka oo arbaca ah, iyadoo galabtana la filayo in ay duufaantu soo cagadhigato.

Xarunta la socodka duufaanada ayaa sheegtey in duufaantu wadato dabeylo ku socda 220 kilomitir saacadiiba, taasoo ka dhigtay heerka afaraad ee duufaanada lagu cabiro.

Dadka cimilada saadaaliya ayaa sheegey in laga yaabo in ay duufaantani sii xoogeysato marka ay soo gaarto biyaha diiran ee xeebaha Mexico ka hor inta aysan soo gaarin Florida.

XS
SM
MD
LG