Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kavanaugh oo loo dhaariyey maxkamadda sare


Brett Kavanaugh
Brett Kavanaugh

Brett Kavanaugh oo noqday garsoorihii ugu cusbaa ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka, ka dib ansixin uu ku soo rafaaday, ayaa wacad ku maray inuu dacwad kasta ku dhageysan doono qaddarin iyo maskax furan.

Garsoore Kavanaugh oo uu Aqalka Senate-ku ansixiyey ayaa isaga oo jooga munaasabaddii dhaarinta ee Aqalka Cad yiri “qof kasta oo Maraykanka ahi wuu xaqiiqsan karaa in aan noqonayo qof dhexdhexaad ah oo caddaaladda aan dhinacna u xaglin.”

8-da garsoore ee kale ee M. Sare, tiro mudanayaasha Senateka ee Jamhuuriga iyo Madaxweyne Trump ayaa daawanayey Kavanaugh oo uu dhaarinayo Anthony Kenedy oo ah garsoorihii Maxkamadda Sare iska casilay.

XS
SM
MD
LG