Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo amartay in la weeraro doorashada


Taliban
Taliban

Kooxda Taliban ayaa ku amartay dagaalyahanadeeda inay weeraraan mas’uuliyiinta iyo ciidamada ammaanka ee maamulaya doorashooyinka baarlamaan ee bishan ka dhacaya dalka Afghanistan.

Bayaan ay maanta soo saartay ayey kooxdan ugu baaqday musharaxiinta iyo cod-bixiyayaasha inay qaadacaan doorashada, ayaga oo ku adkeystay “in doorashada lagu sharciyeynayo siyaasiinta ay soo dirsadeen ciidamada haysta dalkaas”

Doorashadan oo muddo dib loo dhigayey ayaa lagu wadaa inay dhacdo 20-ka bishan October, waxaana ka qeyb galaya 2,500 musharax, oo 418 ka mid ah yihiin haween. Waxay u tartamayaan 249 kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose.

Dowladda Afghanistan ayaa 54,000 oo askari iyo boolis ugu talo-gashay sugidda amniga doorashada, si loo xaqiijiyo ammaanka codbixiyaasha. Sidoo kale tobanaan kun oo ka mid ah ciidamada NATO ee dalkaas jooga ayaa ballan-qaaday inay gacan ka gaysanayaan sugidda amniga.

XS
SM
MD
LG