Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka oo Ansixiyay Garsoore Brett Kavanaugh


Senatka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.

50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka yahay, ayaa ku codeeyay 'Haa,' halka 48 senator oo wada Dimuqraaddi ahna ay 'Maya' ku codeeyeen.

Quburrada ka faallooda siyaasadda, ayaa sheegaya in magacaabista Kavanaugh ee madaxweyne Donald Trump uu u xushey shaqada maxkamadda sare ay maxkamadda sare ka dhigi doonto mid ay ku bataan garsoorrada muxaafadka ah.

Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman.

Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.

Sahra Cabdi Axmed ayaa ka wareystay arrimahaasi qareen Cabdiwaaxid Qalinle oo ku dhaqan gobolka Minnesota.

Dhageyso faaqidaadda Brett Kavanaugh oo la ansixiyay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

XS
SM
MD
LG