Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Xiraya Qunsuliyadda Basra


Mike Pompeo

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in in si kumeel gaar ah dib-u-dajin loogu sameeyo diblamaasiyiinta Mareykanka ee ka howlgala dalka Ciraq sababo dhinaca amniga ah.

Pompeo ayaa sheegay in ay jirto khatar sii xoogeysanaysa oo ka imaneysa guutada Qudus ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran iyo maleeshiyaad kale oo Ciraaqiyiin ah oo ku sugan gudaha dalka Ciraq, kuwaas oo ay suuragaltahay in ay waxyeello u geystaan diblamaasiyiinta Mareykanka ee ka shaqeeya Ciraq.

Diblamaasiyiintani ayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka sheegtay in loo rari doono xarumo ku yaalla isla gudaha Ciraq.
Pompeo wuxuu uga digay Iran weerar walba oo ka dhan ah diblamaasiyiinta Mareykanka ee ka howlgala bariga dhexe.

Khubarro iyo mudanayaal ka tirsan koongareeska Mareykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin xukumadda cusub ee ay yeelan doonto Ciraq kadib doorashadi baarlamaaniga ee dalkaasi ka dhacday bishi May oo ay ku guulesyteen siyaasiyiin shiico ah oo xiriir dhaw la leh Iran.

Ka-sokow xiriirka ay siyaasiyiintani la leeyihiin Iran, ayay khubarradu sheegayaan in ay awood u heli doonaan adeegsida hubka iyo qalabka millatari ee uu Mareykanku siiyo Dowlada Ciraq.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG