Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indonesia: Boqolaal ku Dhintay Dhulgariir iyo Sunaami


Dalka Indonesia ku dhawaad 400 oo qof ayaa dihntay, in kabada 550 kalena way ku dhaawacmeen, dhul-gariir xoogan iyo Tsunami ka dhalatay oo ku dhuftay bartamaha dalkaasi.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.5 iyo Tsunida ayaa ka dhacay labada magaalo Palu iyo Donggala, ee gobolka Sulawesi.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in boqollaal ruux ay Xeebta Palu mahrajaan kaga qeyb-galayeen markii dhul-gariirka iyo Hirka Tsunami ee uu dhaliyay ay ku dhufteen halkaasoo ay dad badani ku dhinteen.

Afhayeen ayaa sheegay in Tsunami oo 800 Km saacaddii ku socota ay burburisay dhismeyaal iyo kaabayaal. Waxa uu intaasi ku daray in kumannaan guro, Isbitaallo, Xarumo ganacsi iyo Hotello burbureen.

Madaxa Xaaladda Dag dagga ah ee Indonesia ayaa sheegay in goobo kala duwan laga helay meydadka dadka dhul-gariirka ku geeriyooday sababtana waxa uu ku sheegay in hirarka Tsunami ay xaaqeen burburka guryaha iyo dadkii ku jirayba. Waxa uu intaasi raaciyay in wali ay ku guda-jiraan xog uruurin.

Korontada iyo Isgaarsiinta ayaa laga jaray aagga ay musiibadu ka dhacday, taasoo wiiqeysa howlaha gurmadka.

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa ku warrameysa in Buundo weyn oo dul-marta wabi xeebta ku yaalla ay gabi ahaanba bur-burtay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG