Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Geelle iyo Afwerki oo Jeddah ku Kulmay


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki kadib kulan ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Madaxweynayaasha labada waddan ayaa is gacan qaaday, waxaana muuqata in Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madaxda labada waddan.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Osman Saalax uu dhowaan booqday dalka Jabuuti isaga oo ay la socdana wasiirrada arrimaha dibedda ee waddamada Itoobiya iyo Soomaaliya.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa dagaallo ku dhexmareen xuduudda kadib khilaaf in muddo ah u dhexeeyey.

XS
SM
MD
LG