Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ansixinta Kavanaugh oo mugdi uu ku jiro


Brett Kavanaugh
Brett Kavanaugh

Dhowr Senator oo ay ku jiraan kuwo Jamhuuri ah aya ku baaqaya in dib loo dhigo in codka ansixinta loo qaado Brett Kavanaugh oo madaxweyne Donald Trump uu u magacaabay inuu xubin ka noqdo maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib markii ay haweeney ku eedeysay inuu isku dayey inuu kufsado markii ay dhiganayeen dugsiga sare.

Christine Blasey Ford, oo bare ka ah jaamacadda Palo Alto ee gobolka California ayaa wargeyska Washington Post u sheegtay inay nolosheeda u cabsatay markii uu weeraray Kavanaugh.

“Waxaan moodayey inuu u dili gaaray, isaga oo aan is ogeyn” ayey Ford ku sheegtay wareysi ay siisay wargeyska.

Ford ayaa shaaca ka qaaday inay dhacdadaan ka dhacday xaflad lagu qabtay gobolka Maryland sanadihii sideetamaadkii, xilligaas oo iyada iyo Brett Kavanaugh ay dhiganayeen dugsiga sare.

Waxa ay sheegtay in Kavanaugh iyo qof ay saaxiibo ahaayeen ay isku hareeyeen ayaga oo qol ku jira, kadibna Kavanaugh uu sariirta ku tuuray, oo uu isku dayay inuu dharka ka siibo. Waxay tiri in labadoodaba ay cabsanaayeen.

Kavanaugh ayaa si xooggan u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey.

XS
SM
MD
LG