Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo weerar ka fuliyey Sh/Hoose


Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen 11-kii bishan tuulada Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose inay ku dileen laba ka mid ah maleeshiyada argagixisada ah ee ururka al-shabab, mid kalena ay ku dhaawaceen.

Duqeyntan ayaa daba socotay howgal dhinaca dhulka ah oo ciidamada gaarka ah ee milatariga Soomaaliya oo ay wehliyeen saraakiil Mareykan ah ay ku qaadeen deegaankaas, oo qiyaastii 37 kilomitir galbeedka ka xiga magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi la fuliyay markii ciidamada wada jirka ah ay weerar kala kulmeen maleeshiyada al-shabab.

Warka ayaa intaasi ku daray in intii uu weerarka socday uu sidoo kale ku dhintay mid ka mid ah askarta Soomaaliya, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamaddii Mareykanka ee howlgalka ka qeyb galay ay soo noqdeen iyagoo bedqaba, isla markaana Taliska Mareykanka ee Afrikom uu baarayo haddii ay jirto cid rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay Ciidamada Mareykanka ayaa sii wadi doona adeegsiga talaaba kasta oo ku haboon, si loo difaaco muwaadiniinta Mareykanka loona curyaamiyo halista argagixisada.

XS
SM
MD
LG