Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan maanta ku dhufaneysa bariga Mareykanka


Xawaaraha dabaylaha ay wadato duufaanta Florence ayaa dhinmay, ayada oo kusoo siqeeysay xeebta bari ee Mareykanka, hase yeeshee dadka saadaaliya cimilada ayaa ka digaya in cabirka duufaanta iyo awoodda ay u leedahay ay soo rogi doonaan daadad xooggan oo halis gelinaya nolosha.

Dadka ku nool gobollada North Carolina iyo South Carolina ayaa haysta illaa maanta inay kusoo geba gebeeyaan diyaar garowgooda oo ay ka baxsadan marinka duufaantan.

Qiyaastii 10 milyan oo qof ayaa ku nool deegaanada ay saameyn doonto duufaanta.

Xarunta duufaanta qaranka Mareykanka ayaa rajeyneysa in dabeylo xooggan oo ay wadato duufaanta ay soo gaarto meel u dhow xuduudda labada gobol xilli dambe oo khamiista maanta ah ama saacadaha hore ee Jimcaha.

Marka duufaanta ay ka dhaqaaqdo gobolka, waxaa la filayaa inay reebto dhibco roobaad gaaraya 50 illaa 75 cm, ayada oo meelaha qaarna laga filayo ilaa 100 cm.

Duufaanta Florence ayaa wadata dabeyl ugu badnaan xawaarahooda uu gaari doono 175 km saacaddii.


XS
SM
MD
LG