Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Afghanistan oo dilay 20 qof


Afghanistan

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bariga dalka Afghanistan, maanta.

Saraakiisha ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu isku dhex-qarxiyey dad dhigayey dibadbax ka dhan ah taliye maleeshiyo oo ku sugan gobolka bari ee Nangarhar. Dibadbaxayaasha ayaa isugu yimid waddo isku xirta magaalada Jalalabad iyo xuduudda Pakistan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ku wada xooggan maleeshiyooyinka Taliban iyo Daacish.

Ciidmada Mareykanka uu tababaray ee difaaca Afghanistan ayaa wax ka qaban la’ Taliban-ka waxaana soo gaaray khasaarooyin xooggan sanadkan. Kooxaha muqaawamada ayaa maamula 50% degmooyinka dalka Afghanistan oo ah 407 degmo.

Kooxda Daacish ayaa sidoo kale kordhisay weeraradeeda, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Shiicada dalkaas, taasi oo sii kordhisay caqabadaha ay wajahayaan ciidamada dowladda.



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG