Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriyayaal lagu xukumay Myanmar


Weriye Wa Long oo ka tirsan Reuters

Laba wariye oo ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu xakumay min 7 sano oo xarig ah gudaha dalka Myanmar, kaddib marki lagu eedeeyay in ay ku xadgubeen qawaaniinta sirta dalkaasi.

Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo ayaa la xiray bishii December ee sannadki hore, kaddib marki ay dukumintiyo sir ah ka guddoomeen laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska Myanmar oo ay kula kulmeen maqaayad ku taalla magaalada Yangon.

Dowladda Myanmar ayaa u adeegsatay saxafiyiintani xeer la yiraahdo xeerka sirta qaranka oo la qoray sannadki 1923 xilligaas oo Myanmar ay ku jirtay gacanta gumeystihii Ingiriiska looguna yeeri jiray Burma.

Saxafiyiinta la xakumay ayaa labaduba beeniyay danbiga lagu soo eedeeyay ee ah in ay dukumintiyo sir ah ka qaateen saraakiil boolis.

Wariyaashan ayaa soo tabinayay gaboodfalladii ay ciidamada milatariga Myanmar sannadki hore ka geysteen gobolka Rakhine, halkaas oo lagu dilay boqolaal ka mid ah dadka muslimiinta ee Rohingya.

Ku dhawaad hal milyan oo ka mid ah dadkan kasoo jeeda qowmiyadda Rohingya ayaa ka qaxay gobolka Rashine kaddibna galay dalka Bangladesh oo xuduud la leh Myanmar.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG