Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarrax Khasaaro Geystay oo Muqdisho ka Dhacay


Qarax

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay 14 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib marki uu qof ismiidaamiyay uu gaari walxaha qarxa ay ka buuxeen ku weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banadir ayaa VOA u xaqiijiyay in saddexda qof ee dhimatay ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay kororto.
Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira 6 carruur ah oo ka mid ahaa carruur dhigata dugsi lagu barto Qu’aanka Kariimka oo ku yaalla meel aanan ka fogeyn xarunta la weeraray ee maamulka degmada Howlwadaag.

Sidoo kale dadki ku dhaawacmay weerarka ayaa waxaa ku jira gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee degmada Howlwadaag.

Sida uu kusoo warramayo wariyaheena Muqdisho, qarraxi maanta ayaa ahaa mid xoogiisa laga dareemay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana uu burburiyay xarunta degmada Howlwadaag iyo qaar ka mid ah guryaha hareeraha ka yaallay oo ay ku jireen masjid iyo dugsi qur’aan.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG