Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Ku Hanjabay Dib-u-billaabidda Dhoolatusyadii Militari ee K.Kuuriya


Madaxweynaa Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in Mareykanka uu waqti walba billaabi karo dhoolatus millatari oo uu la sameeyo dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Jabbaan, haddii barnaamijka burburinta hubka niyukleerka Kuuriyada Waqooyi aanan horumar laga gaarin.

Bayaan uu kasoo saaray Aqalka Cad Arbacadii, ayuu madaxweyne Trump ku cambaareeyay dowladda Shiinaha in ay carqaladeyneyso xiriirka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sababo la xiriira muranka dhinaca ganacsiga ah ee hadda ka dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha.

Trump ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka warqabo in Shiinuhu siiyo xukumadda Pyongyang gargaar isugu jira lacag, shidaal walxaha loo adeegsado bacrimimin iyo badeecooyin kale.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Hua Chunying ayaa beeniyay hadalka madaxweyne Trump. Hua Chunying ayaa isaga oo jooga magaalada Beijing wariyaasha u sheegay, in Mareykanka uu marka hore uu isaga is eego ka hor inta uusan cid kale cambaareyn gaar ahaan arrimaha Pyongyang.

Hadalka madaxweyne Trump ayaa yimid hal maalin kadib markii uu xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis uu sheegay in Mareykanka uu ka fikirayo dib u billaabida dhoolutuskii milatari uu la sameyn jiray Kuuriyada Koofureed.

XS
SM
MD
LG